

Cadaado, June 7, 2024. Gudoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo qayb ka ahaa wafdiga madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey deegaanka Docoleey ayaa sidoo kale ka qaybgalay xarig jarka qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Isbitalka Docoleey.
Gudoomiye Faarax ayaa bulshada Docoleey ku bogaadiyey sida iskutashiga ah ee ay ugu istaageen ka shaqeynta danta guud, isagoo ka maamul ahaan ballan qaaday inay garab taaganyihiin.


Madaxweyne Qoorqoor oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ayaa xusay in Docoleey ay samaysay horumar wayn, islamarkaana ay u qalabto waxa ay ku haminayaan shacabkeedu oo ah degmo buuxda.
Wafdiga madaxweyne Qoorqoor ayaa kulan qado sharaf ah la qaatay bulshada, waxaana safarka madaxweynaha Galmudug qayb ka ahaa wasiirka wasaaradda deegaanka Galmudug Sen Siciid Siyaad, wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, wasiirka Tamarta iyo biyaha Cabdilqaadir Shire, Xildhibaano heer Federaal iyo mas’uuliyiin kale.
