Docoleey, June 30, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Maxamed Cali, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada degmada Diiwaan macalin Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer hawleed ku tagay deegaanka Faryar oo Cadaado ka hirsan, halkaas oo ay kula kulmeen bulshadan, lana qaateen qado sharaf iyo xogwaraysi
Sidoo kale wafdiga ayaa kormeer ku tagay deegaanka Laasbuur, halkaas oo ay kula kulmeen bulshada deegaanka, waxaana maamulku ballan qaaday inuu dayactir ku samaynaayo xurfad halkaas laga qoday.


Ugu dambayn wafdiga ayaa tagay deegaanka Docoleey, waxaana ay u kuurgaleen adeegyada bulshada.