Gudoomiyaha degmada Cadaado oo ka qaybgalay munaasabadda dabaaldegga degmada Godinlabe.

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo ka qaybgalay munaasabadda dabaaldegga degmada Godinlabe. Godinlabe, July 20, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa ka qaybgalay xaflad ballaaran oo loogu dabaaldagayo degmonimada magaalada Godinlabe oo ka mid ahayd degmooyin dhawaan Baarlamanka Galmudug uu ansixiyey. Guddoomiye Faarax oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa u hambalyeeyey maamulka iyo shacabka degmada […]

Read more

Xuska munaasabadda 1-da Luuliyo oo lagu qabtay degamda Cadaado.

Cadaado, 1-Luuliyo 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Galmudug Maxamed Cabdullaahi, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska 1-da Luuliyo oo ah markii ay gobolada koofureed ee dalka ay la xoroobeen gumaystihii Talyaaniga lana midoobeen gobollada woqooyi oo maalmo uga horeeyey xoriyadda. […]

Read more

Gudoomiyaha degmada Cadaado, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo kormeeray deegaanada Faryar, Laasbuur iyo Docoleey.

Docoleey, June 30, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Maxamed Cali, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada degmada Diiwaan macalin Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer hawleed ku tagay deegaanka Faryar oo Cadaado ka hirsan, halkaas oo ay kula kulmeen bulshadan, lana qaateen qado sharaf iyo xogwaraysi Sidoo kale wafdiga ayaa kormeer ku […]

Read more

Madaxweynaha dowladda galmudug oo booqday degmada Docoleey

Cadaado, June 7, 2024. Gudoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo qayb ka ahaa wafdiga madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyey deegaanka Docoleey ayaa sidoo kale ka qaybgalay xarig jarka qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Isbitalka Docoleey. Gudoomiye Faarax ayaa bulshada Docoleey ku bogaadiyey sida iskutashiga ah […]

Read more

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey Cadaado, kuwa cusubna dhagax dhigay.

Madaxweynaha Galmudug oo xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyey Cadaado, kuwa cusubna dhagax dhigay. Cadaado, June 4, 2024. Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xariga ka jaray suuqa cusub ee xoolaha, kaas oo dhawaan la dhisay, kana mid ah mashruuca barwaaqo […]

Read more

Madaxweynaha Galmudug Ahmed abdi karie Qoorqoor oo si weyn Cadaado loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga madaxweynaha dowladda Galmudug oo si weyn Cadaado loogu soo dhoweeyey Cadaado, June 3, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, ku xigeen kiiska Cabdixakiin Maxamed Cali iyo dhamaan mas’uuliyiinta degmada ayaa si weyn Cadaado ugu soo dhoweeyey madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey Maamulka degmada ayaa […]

Read more

Guddoomiyaha degmada Cadaado iyo mas’uuliyiin kale oo kormeer hawleed ku tagay deegaanka Xero-lo’aad.

Cadaado, May 4, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, xoghayaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, madaxa Tuulooyinka iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Cadaado ayaa kormeer hawleed ku tagay deegaanka Xero-lo’aad oo qiyaasti 35km dhinaca bari ka xiga Cadaado. Mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado ayaa ku guuleystay xalinta khilaaf maamul oo deegaankaas ka jiray, […]

Read more