
Gudoomiyaha degmada Cadaado oo ka qaybgalay munaasabadda dabaaldegga degmada Godinlabe.


Godinlabe, July 20, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa ka qaybgalay xaflad ballaaran oo loogu dabaaldagayo degmonimada magaalada Godinlabe oo ka mid ahayd degmooyin dhawaan Baarlamanka Galmudug uu ansixiyey.
Guddoomiye Faarax oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa u hambalyeeyey maamulka iyo shacabka degmada Godinlabe, waxaana uu balan qaaday inuu kala shaqayn doono nabadda iyo horumarinta.
Waxa uu ku baaqay guddoomiye Faarax in la iska kaashado nabadda iyo xakamaynta colaadaha anaanooyinka qabiilada ku salaysan.


Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug, guddoomiyaasha degmooyinka Dhuusamareeb, Baxdo, Gadoon iyo mas’uuliyiin kale.
Halkaan ka daawo muuqaalka: https://fb.watch/tvHe03I38w/