Cadaado, 1-Luuliyo 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Galmudug Maxamed Cabdullaahi, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska 1-da Luuliyo oo ah markii ay gobolada koofureed ee dalka ay la xoroobeen gumaystihii Talyaaniga lana midoobeen gobollada woqooyi oo maalmo uga horeeyey xoriyadda.


Munaasabadda ayaa laga soo jeediyey hadallo taariikh ah oo ku aaddan halganka ay Soomaaliya u gashay gobanimada iyo sida ay muhiim u tahay in laga shaqeeyo waxyaabaha xoojinaya midnimada dalka.
Xuskan oo uu qaban qaabiyey maamulka degmadu ayaa markii saacaddu ahayd 12:00am la saaray calanka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb qaateen ciidanka Boliisku.

Halkaan ka daawo muqaalka: https://fb.watch/tnlWHRV-9k/