Wafdiga madaxweynaha dowladda Galmudug oo si weyn Cadaado loogu soo dhoweeyey
Cadaado, June 3, 2024. Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame, ku xigeen kiiska Cabdixakiin Maxamed Cali iyo dhamaan mas’uuliyiinta degmada ayaa si weyn Cadaado ugu soo dhoweeyey madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey
Maamulka degmada ayaa si weyn uga shaqeeyey abaabulka qaybaha kala duwan ee bulshada ka qayb qaadatay soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha.

g” alt=”” width=”300″ height=”200″ class=”alignnone size-medium wp-image-2781″ />
Wafdiga madaxweyne Qoorqoor ayaa mudada uu joogo Cadaado kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

halkaan ka daawo muuqaalka:https://fb.watch/tnp_cf9S8l/